Ciidamada dowladda ayaa sheegay inay soo afjareen weerar qaatay 30 saacadood

Ciidamada dowladda ayaa sheegay inay soo afjareen weerar qaatay 30 saacadood

Muqdisho (Raxanreeb) Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya, ay soo afjareen weerar ku billowday qaraxyo iyo rasaas toos ah, iyo go’doomin xooggan oo rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab, ay ku qaadeen hoteel ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Hotel Xayaat, KM4.

Wakaaladda wararka ee AFP, oo soo xiganaysa taliye dhinaca ammaanka ah, ayaa sheegtay in go’doominta la soo afjaray kaddib khiyaastii 30 saacadood oo xiriir ah, uu weerarku socday tan iyo jimcihii.

Ugu yaraan 13 qof oo rayid ah, ayaa ku dhintay, tobanneeyo kalena waa ay ku dhaawacmeen go’doomintan, oo billaabatay markii dagaalyahanno ka tirsan kooxda hubaysan ee Al-Shabaab, rasaas iyo qaraxyo, bambaanooyin ku qaadeen hoteelka caanka ah ee Xayaat fiidkii Jimcihii, abaare 7:00 habeennimo.

“Ciidanka ammaanku waxay soo afjareen go’doominta hadda, dableydana waa dhinteen, wax rasaas ah, oo ka soo dhacay dhismaha saacaddii la soo dhaafay ma hayno,” ayuu taliyaha u sheegay AFP, isagoo codsaday inaan magaciisa la sheegin.

Ma uusan bixin wax war ah, oo dheeri ah, oo ku saabsan tirada guud ee dadka rayidka ah, iyo kuwa amnigu ku dhintay iyo inta Al-Shabaab, looga dilay, isagoo sheegay in dowladdu ay war-saxaafadeed siin doonto subaxnnimada maanta ah, ayadoo ay tahay Axad.

Dhismaha ayaa weli u baahan in laga sifeeyo waxyaabaha qarxa ee la soo dhigay, ayuu hadalkiisa ku daray.

Weerarkani ayaa ah, kii ugu horreeyay tan iyo markii la doortay Xasan Sheekh, bartamihii bishii May 15-keedii.

Madaxweyne Xasan, ayaa sheegay inuu Al-Shabaab awooddooda wiiqayo uu ka xureynayo gobollada ay ka taliyaan.

Taliban Foreign Ministry

Leave a Reply

Your email address will not be published.