Golaha Shacabka oo kulan yeelanaya & Xildhibaano ka hadli Amniga Muqdisho

Golaha Shacabka oo kulan yeelanaya & Xildhibaano ka hadli Amniga Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb) Maanta oo axad ah waxa  xarunta Villa Hargaysa ee  magaalada Muqdisho kulan ku yeelanaya xildhibanada Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya.

Sida uu qorshuhu ahaa kulankan ayaa lagu waday inuu qabsoomo shalay 21-August , waxase   loo baajiyay weerar Al Shabaab ay ku qaateen Hotel ku yaala magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo lagu daabacay barta Facebook ee Golaha shacabka  qayb ka mid ah  lagu yiri  shalay.

‘’ Kulanka ayaa la qabandoonaa maalinta berri ah oo ay taariikhdu tahay 21 August ‘’

Fadhiga maanta ee Golaha shacabka ayaa  waxaa tagi doono Madaxwaynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo loo dhaarin doono xildhibaan aan dhicin waligiisa taas oo u qabo Dastuurka KMG  ah ee dalka.

Madaxwaynihii hore Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo  ayaa lagu dhaarin doono xarunta Villa Hargaysa  ee magaalada  Muqdisho.

Guddoomiyaha  Golaha Shacabka Federaalka  ayaa ka codsaday Xidhibaannada inay kulanka soo xaadiraan, Isla markaana ay waqtiga ilaaliyaan.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in kulanka lagu doorto guddoonnada guddiyada baarlamaanka golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad.

Warar Raxanreeb uu helay ayaa sheegaya in mudanayasha qaar ay ka hadli doono weerarkii saacadaha badan qaatay ee Al Shabaab ay ku qaadeen  Hotel Xayaat ee magaalada Muqdisho iyo amni darada ka jirta caasimadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.