Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay deegaanka Cali Fooldheere

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay deegaanka Cali Fooldheere

Muqdisho (Raxanreeb) — Faah faahino dheeraad ah, ayaa laga helayaa gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegaya in mar kale ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, iyo kuwa deegaanka ayaa dib ula wareegay deegaanka Cali-fooldheere ee gobolkaasi, halkaas oo shalay lagu arkay kooxda Al-Shabaab.

Ciidamadan ayaa xalay si toos ah, ula wareegay deegaanka Cali-fooldheere, oo hoostaga degmada Mahadaay.

Ma jiro wax dagaal ah, oo ka dhacay deegaankaasi, ciidamada ayaa si nabad ah, gudaha u galay xalay saqdii dhaxe, kaddib xilli shalay dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab, ay dhaq-dhaqaaqyo kawadeen deegaankaasi.

Sarkaal, u hadlay ciidamada millatariga Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday in hadda ay ku suganyihiin gudaha deegaanka Cali-fooldheere, ayna wadaan howlgallo ka dhan ah, kooxda Al-Shabaab.

“Xalay ayaan kusoo mirnay annaga oo ah ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ciidanka deegaanka, haddana gacanta ayaa ku heynaa, waxaana kaala soo hadlayaa Califooldheere” ayuu yiri sarkaalkaasi.

Sidoo kale sarkaalka ayaa tilmaamay dagaalyahanda soo galay shalay ay ahaayeen kuwoo doonayay Zakawaat, iyo baad ay ummadda ka qaadaan.

“Waxa shalay yimid oo halkan laga sheegaayo waxaa waayay waa qolada Zakawaatka aruuriso oo rabaan inay dadka hajuumaan” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Xaaladda deegaanka Cali-foordheere, ayaa ah, haatan mid aad u deggan, iyadoona ay howlgallo culus kawadaan dhammaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Maakmihii ugu danbeeyay ciidamada huwanta ayaa sameynayay dib u gurasho, iyadoona ay kaso baxeen deegaano badan oo dhaca Galmudug, iyo HirShabeelle.