Nairobi (Raxanreeb )- Daadad iyo roobab xooggan oo dabeylo wata oo ka da’ay Kenya ayaa dilay ku dhowaad 100 qof tan iyo bartamihii bishii Maarso oo roobabka la dareemay.
Waxaa kala xiran isku socodka guud ee gobalka waqooyiga bari ee dalka Kenya ka dib markii uu soo fatahay wabiga Tana ee ugu wayn wabiyada mara gobolkaasi.
Roob mahiigaan ah oo ka da’ay buuraleyda bartamaha Kenya ayaa dhaliyay fatahaaddan , taasi oo keentay in dad ka badan 50 qof ay ku dhintaan.
Roobabka xilligaan ayaa siweyn looga dareemayaa caasimadda, waxaana jira in gobolka Waqooyi bari uu go’doon galay marka la eego, kadib fataad uu sameeyay Wabiga Tana 24-kii saac ee lasoo dhaafay, iyadoo gobolka laga soo warinayo geerida 50 ruux
Dalka ku yaalla bariga Afrika ayaa waxaa toddobaadyo ka da’ayay roobab xooggan iyo daadad xooggan oo ka da’ay caasimadda Kenya ee Nairobi, iyo sidoo kale gobollada galbeedka iyo bartamaha dalka, waxaana gabi ahaan istaagay isku socodka dadka iyo gaadiidka, xilli loo aaneynayo roobka xadigoodu uu sareeyo.
Afhayeenka dowladda Kenya Isaac Mwaura ayaa Jimcihii beeniyay sheegashada ah in boqollaal qof ay ku dhinteen fatahaadda socota, wuxuuna sheegay in tirada rasmiga ah ay hadda mareyso 70, taas oo aad uga yar xogaha ay baahiyeen warbaahinta gudaha dalkaas
Shan meyd ah ayaa Jimcihii laga soo saaray wabi ku yaalla deegaanka Makueni ee bariga dalkaasi, kadib markii gaari xamuul ah oo ay la socdeen uu ka qaaday buundada qarqisay, sida uu warinayo TV-ga lagu Citizen. 11 kale ayaa la soo badbaadiyay, kuwaas oo hadda lala tacaalayo sida hey’adda gurmadku xustay.
Leave a Reply