Cape Town ( Raxanreeb Online) Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa saacadihii lasoo dhaafay xirxiray 46 Ajaanib Sharci la’aan ah kaddib howlgal ay fuliyeen ciidamada dalkaasi.
Howlgalka oo loogu magacdaray Operation Shanela, ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay booliiska Hoedspruit SAPS, saraakiisha socdaalka, iyo shirkadaha amniga ee E2 Security, waxaana la tilmaamay in howlgalka laga gaaray guulo. waxaana la tilmaamay in howlgalka uu ahaa mid dagaalka dhan dambiyada iyo dadka dalka ku jooga sharci-darrada ee deegaanka Hoedspruit.
Howlgalkan ayaa bilowday laga soo bilaabo Jimcihii 15 May 2026 saacadda 20:00 ilaa Sabtidii 16 May 2026 saacadda 05:00 waqtigiga dalka Koonfur Afrika.
Sidoo kale intii uu socday howlgalka, ciidamada ammaanka ayaa xiray guud ahaan 80 qof oo loo haysto dambiyo kala duwan iyo arrimo la xiriira socdaalka
Dadka la xiray waxaa kamid ahaa 46 muhaajiriin sharci-darro ku joogay dalka, halka 30 qof lagu ogaaday inay ahaayeen carruur aan qaan-gaarin. Sidoo kale Saraakiisha socdaalka ayaa baaray lix baasaboor oo la xaqiijiyay inay sax ahaayeen.
Sikastaba dalka Koonfur Afrika, ayaa kamid ah dalalka ay ka dhacaan dambiyada culus, sida dilalka, dhaca iyo boobka hantida ay lee yihiin Ajaanibta ee dalkaasi ganacsiyada ku leh.

Leave a Reply