Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay isticmaalka hub halis ah

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay isticmaalka hub halis ah

Bakhmut (Raxanreeb) — Dowladda Ukraine, ayaa ku eedaysayciidanka dowladda Ruushka in magaalada Bakhmut ee ay go’doomiyeen iney ku weerareen gantaalo xambaarsan maadada Fosforaska.

Muuqaallada ay sii daayeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay ka soo qaadeen militariga Ukraine Bakhmut, ayaa lagu arki karayaa gantaalada oo gubanaya, iyadoo wax u muuqda fosfooraska cad uu sidii roobkii u da’ayo.

Hubka fosfooraska cad lama mamnuucin, laakiin isticmaalkooda goobaha rayidka, ayaa loo arkaa iney noqon karayaan dembi dagaal.

Waxay abuuraan dab aad u faafaya, oo ay adag tahay in si fudud lagu damiyo. Ruushka ayaa horay looggu eedeeyay in uu isticmaalay.

Ruushku ayaa waxa uu isku dayayayaa inuu qabsado Bakhmut muddo bilo ah, in kasta oo ay su’aal ka taagan tahay muhiimadda istaraatiijiyadeed ee magaaladani.

Saraakiisha Reer Galbeedka, ayaa ku qiyaasay in kumanaan ciidamada maamulka Moscow ka socda inay ku dhinteen weerarka magaaladani.

Qoraal ay soo dhigtay Twitter-ka, wasaaradda difaaca ee Ukraine, ayaa lagu sheegtay in weerarka fosfooraska lala beegsaday “goobaha aan la degganayn ee Bakhmut, iyadoo sidoo kale weerarkani uu qeyb ka ahaa hub kale”.

Taliska ciidamada gaarka ah ee maamulka Kyiv, ayaa intaa ku daray in ciidamada maamulka Moscow inay sii wadaan “inay burburiyaan magaalada”.

Ma cadda goorta dhabta ah ee weerarka gantaalada maadada Fosforoska la sheegay inuu dhacay.

Laakiin muuqaalka ay la wadaagtay dowladda Ukraine dadweynaha – oo u muuqday mid ay qabatay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn – ayaa muujinaya dhismayaal dhaadheer oo holcayo.