Ciidamo katirsan DF oo la geeyay Bardaale

Muqdisho (Raxanreeb) — Cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka iyo daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa shalay galab diyaarado lagu geeyay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool.

Waxaa la qorsheeyey in Bardaale maalmaha soo socda si rasmi ah looga billaabo dagaalka Al-Shabaab looga xoreynayo deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.

Koonfur Galbeed waxaa abaabul xooggan ka wada wasiirka gaashandhigga XFS Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, kuwaas oo shalay Baydhaba kula kulmay madaxweynaha maamulkaas Cabdicasiis Laftagareen, waxayna kala hadleen dagaalka Al-Shabaab.

Sidoo kale Wasiirka Gaashandhiga iyo Taliyaha Xoogga ayaa shalay kulan isugu yeeray saraakiisha qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka ee ka howlgala deegaannada Koonfur Galbeed.

Kulanka kadib Wasiir Jaamac oo saraakiisha u khudbeeyey ayaa ku booriyay inay dar-dar galiyaan howlgallada deegaanada K/Galbeed looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dejisay qorshe dhameystiran oo dalka looga xoreynayo Al-Shabaab, isagoo ku adkeeyey in Koonfur Galbeed ay ka difaacaan Al-Shabaab-ka ka soo carari doona gobollada kale ee dagaaladu ay ka socdaan.

Sidoo kale wasiir Jaamac ayaa saraakiisha u gudbiyey qorshahooda ku aadan dib u xoreynta deegaanada ay K/Galbeed ka joogaan Al-Shabaab, wasiirka iyo taliyaha xoogga oo maalin ka hor Baydhaba tegay ayaa K/Galbeed ka wada abaabul dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.