Mareykanka oo xayiraad kusoo rogay shakhsiyaad katirsan Al-Shabaab

Washington (Raxanreeb) — Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in shabakad Al-Shabaab u qaabilsan fududeynta dhaqaalaha iyo hubka oo xayiraado lagu soo rogay.

Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in shabakaddan ay qaabislan tahay soo iibinta hubka, fududaynta dhaqaalaha, iyo qorista askarta ee Al-Shabaab.

Kaaliyaha xoghayaha Maaliyadda Mareykanka ee arrimaha argagaxisada iyo sirdoonka maaliyadda, Brian Nelson ayaa yiri “Waaxda Maaliyadda waxay diiradda saareysaa aqoonsiga iyo carqaladaynta shabakadaha sharci darrada ah ee Al-Shabaab ee ka hawlgalla Bariga Afrika.”

“Waan sii wadi doonnaa inaan qaadno tallaabo ka dhan ah soo-gelinta hubka sharci-darrada ah iyo dhaq-dhaqaaqyada dhaqaale uruurinta ee Al-Shabaab iyo kuwa kale ee xiriirka la leh al-Qaacida,” ayuu yiri.

Waaxda Maaliyadda ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay maal-geliso dadaallada al-Qaacida ee caalamka iyo kooxaha kale ee xiriirka la leh Al-Qaacida, waxay intaas ku dartay in Al-Shabaab ay sanadkii soo xareyo dakhli dhan $100 milyan oo dollar oo ay ka hesho ilo-dhaqaale oo kala duwan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.