Ciidanka Booliska Mudug oo Hawlgal Ka Fuliyay Bacaadweyn

Ciidanka Booliska Mudug oo Hawlgal Ka Fuliyay Bacaadweyn

Mudug (Raxanreeb Online): Ciidanka Booliska Gobolka Mudug ayaa hawlgal ka dhan ah xaalufinta deegaanka iyo jarista dhirta ka sameeyay deegaanka Bacaadweyn, gaar ahaan degsiimadda Margaaga.

Hawlgalka ayaa yimid kaddib markii la helay dhir la jaray oo dhulka hoostiisa lagu aasay, taasoo la sheegay inay qeyb ka ahayd falal lagu waxyeelleynayo deegaanka.

Hawlgalka waxaa iska kaashaday Taliyaha Saldhigga Booliska Bursalaax, G/le Abshir Xaaji Ibraahim (Kuma Licsani), Isuduwaha Wasaaradda Deegaanka, Hogaanka Deegaanka Ciidanka Booliska Puntland, G/dhexe Faadumo C/qaadir Aw-Cali, iyo Taliyaha Saldhigga Booliska Xarfo.

Hawlgalka ayaa lagu fuliyay amar ka yimid Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, G/sare Maxamuud Muuse Bille (Fardafuul), kaas oo faray laamaha amniga inay tallaabo ka qaadaan xaalufinta deegaanka iyo jarista dhirta.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in ilaalinta deegaanka ay tahay masuuliyad wadajir ah, iyagoo caddeeyay in cid kasta oo lagu helo xaalufinta deegaanka iyo jarista dhirta laga qaadi doono tallaabo waafaqsan sharciga, lana horgeyn doono laamaha caddaaladda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.