Ciidanka Booliska oo xiray dhallinyaro caan ka ah baraha bulshada

Ciidanka Booliska oo xiray dhallinyaro caan ka ah baraha bulshada

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ciidanka Booliska ee saldhigga degmada Hodan, ayaa xalay waxa xireen dhallinyaro caan ka ah baraha bulshada, kuwaasi oo lagu eedeeyay kicin dadweyne iyo falal amni darro ah.

Labada dhallinyarada ah ee ay ciidanku xireen ayaa kala ah Mahad Maxamuud Xamaroow oo loo yaqaan ( Garyaqaan) iyo Yuusuf Xasan Cali oo loo yaqaan ( Yuu boss) kaddib markii sacaadihii lasoo dhaafay ay baraha bulshada ka bilabeen abaabul la xiriira kicin dadweyne.

Taliyaha qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir, Macalin Mahdi, ayaa sheegay in ciidanka booliska ee degmada Hodan ay xireen, eedeysane Garyaqaan, oo ku lug leh kicin dadweyne iyo qalqalgalin amni, waxa uuna taliye Macalin Mahdi, sheegay in la horgeydoono maxkamada awooda u leh.

Ugu dambeyn, taliye Macalin Mahdi, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in cidii la kulanto falal ammaanka lidi ku ah la xiriirto ciidanka booliska Soomaaliyeed.  

Leave a Reply

Your email address will not be published.