Ceelgaras (Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in caawa isaga baxeen deegaanka Ceelgaras ee gobolka Galgaduud halkaas oo ay maamuli jireen kooxda Al- Shabaab.
Dowladda Soomaaliya wax faahfaahin ah ma aysan ka bixin sababta keenay in maanta oo ay ciidanka la wareegeen dib ay ugu baxaan hadana deegaankaas oo ka mid ah meelaha muhiim ah ee Al- Shabaab laga saaray.
Wararka laga helayo Ceelgaras ayaa sheegaya in caawa hal askari uusan ku sugnayn deegaankaas , sidoo kale aan ku sugnayeen xubnaha Al- Shabaab ,labaduba.
Waxyar uun ka dib markii la qabtay deegaankaas waxaa booqday Madaxwaynaha maamulka Galmudug Axmed Qoorqoor Wasiirka Difaaca Soomaaliya iyo Taliyaha Nabad sugidda NISA kuwaas oo dib ugu soo laabtay halkaas saacad ka dib.
Ciidamada Dawladda iyo kuwa qabaa’ilka ayaa barqadii galay magaalada Ceelgaras oo qiyaastii 40km u jirta degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur, iyagoon wax iska caabin ah la kulmin.
Ceelgaras waa magaalo ku taala wadada u dhaxaysa Dhuusamareeb iyo Ceelbuur, waxana muddo dhawr iyo toban sano ah gacanta ku hayay ururka Al-Shabaab.
Leave a Reply