Ciidanka dowladda oo howlgallo hub ka dhigis ah kawada Shabeelaha Dhexe

Ciidanka dowladda oo howlgallo hub ka dhigis ah kawada Shabeelaha Dhexe

Shabellaha Dhexe (Raxanreeb Online) Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa howlgalo lagu sugayo amniga, isla markaana hub aruuris kawada deegaano katirsan gobolka Shabellaha Dhexe.

Ciidamada ayaa markii hore howlgal ka bilbaabay waqooyiga magaalada Muqdisho iyaga oo uga sii gudbay dhinaca Shabeellaha Dhexe, halkaas oo la tilmaamay in ay u baxsadeen ciidamo hubeysan oo maalmo ka hor soo galay Caasimada.

Wararka ayaa intaas ku daraya in labada ciidan uu iska-imaad dhex-maray, isla markaana xaalada ay tahay mid culus oo weli ay goobta isku horfadhiyaan ciidamada.

Booliska Soomaaliya ayaa maalmahan Muqdisho ka sameeyey howlgal hub uruurin ah wixii ka dambeeyay markii ciidanka dowladda iyo ilaalada madaxdii hore ee dalka Shariif Sheekh iyo Xasan Cali Kheyre ay magaalada ku dagaalameen, iyadana markii dambe ay dowladda ku guuleystaya soo afjarida dagaaladaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.