Maxaas (Raxanreeb Online) Wararka inaga soo gaaray deegaanka Teedaan ee hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in halkaasi uu maanta ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo maleeshiyaad katirsan kooxda Al-shabaab.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu yimid kaddib markii xubno katirsan Al-shabaab, ay weerar ku qadeen deegaankaas, waxaana la tilmaamay in halkaasi uu ka dhacay dagaal laisku adeegsaday hub culus.
Goob jogayaal deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid culus, oo labada dhinac isku adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan, balse aysan ogeyn khasaaraha soo kala gaaray inta uu yahay.
Sidoo kale warar madax banaan ayaa sheegaya in dagaal kaddib ciidanka dowladda, ay deegaanka isaga baxeen, isla.markaana ay la wareegeen maleeshiyaadka Al-shabaab.
Geesta kale taliska ciidanka xoogga weli kama uusan hadlin khaasaraha dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Teedaan iyo la wareegida kooxda Al-shabaab ee deegaanka.

Leave a Reply