Ciidanka Israel oo hal meel ku  toogtay  dhaqtar, macalin iyo arday.

Ciidanka Israel oo hal meel ku  toogtay  dhaqtar, macalin iyo arday.

GAZA (Raxanreeb )- Ciidamada Israel ayaa hadda toogasho ku dilay shan qof intii lagu guda jiray weerarkii ay ku qaadeen xerada Jenin, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Wafa oo soo xiganaysa wasaaradda caafimaadka.

Dadka dhintay ayaa waxaa ku jiray dhaqtar, macalin iyo arday.

Warbaahinta gudaha ayaa baahisay sawir ay ku sheegtay inuu ahaa ardaygii la dilay. Waxa ay sheegtay in ciidanka Yahuuda ay si aan kala sooc laheyn u beegsanayso dadka falastiiniyiinta ah.

Bishii Nofembar, ciidamada Israa’iil waxay dileen 14 falastiiniyiin ah weerar ay ku qaadeen xerada qaxootiga ee Jenin.

Bishii Janaayo ee sanadkan, ugu yaraan 7 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil la beegsatay goob ay ku shirayeen muwaadiniinta magaaladaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.