Addis Ababa (Raxanreeb Online) Ciidamada ammaanka ee Tigrayga ayaa xiray Sarreeye guuto Guesh Gebre oo ahaa taliyihii hore ee ‘Ciidanka milateriga qaybta 15aad, sida ay ku warrantay ilo-wareedyo BBCda ka tirsan.
“Ma jirto cid sharciga ka sarreysa, waana sababta loo xiray,” ayuu yiri taliye sare oo ka tirsan ciidamada milateriga Itoobiya.
Sarreeye Guuto Gabre ayaa caan ku ah in uu ka horyimaado taliyayaasha ciidamada qalabka sida ee gobolka kuwaas oo taageeray shirwaynihii guud ee kooxda TPLF, wuxuuna dalbaday in isbeddal lagu sameeyo maamulka kumeel gaarka ah ee Tigrayga oo uu hogaamiyo Getachew Reda.
Gabre oo ka soo horjeeday Taliyeyaasha loo yaqaano “kuwa ciidanka ka sarreeya” ayaa shaqada laga joojiyay tan iyo bishii Janaayo ee sanadkii hore.

Leave a Reply