Ciidanka Macawiisleey oo u dhaqaaqau xureynta deegaanka Alkowsar

Ciidanka Macawiisleey oo u dhaqaaqau xureynta deegaanka Alkowsar

Alkowsar ( Raxanreeb Online) Wararka ka inaga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegaya in ciidamo badan oo kuwa deegaanka ee Macawiisleey ay ku wajahan yihiin deegaanka Alkowsar ee gobolkaas.

Ciidamadan ayaa waxa uu qorshahoodu yahay in deegaanka Alkowsar ay ka xureeyaan Al-shabaab oo hadda gacanta ku haya.

Saraakiil kamid ah ciidanka Macawiisleey, ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ciidanka deegaanka ay  Al-shabaab ka xureeyaan deegaanka Alkowsar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Deegaanka Alkowsar, waxaa marar badan ka dhacay dagaalo qaraar oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo Al-shabaab, waxaana deegaankan uu kamid yahay deegaanka muhiim u ah ciidamada dowladda.

Geesta kale waxaa xalay deegaanka Alkowsar laga fuliyay duqeyn diyaaradeed oo khasaaro lagu gaarsiiyay Al-shabaab, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan  in goob ay ku shirayeen horjogayaal iyo dagaalamayaal katirsan Al-shabaab duqeynta lagu beegsaday ayna sababtay dhimasho iyo dhaawac, wallow aan la ogeyn tirade rasmiga ah ee waxyeelada gaartay Shabaab.

Shabeellaha Dhexe, waxaa ka socda guluf dagaal oo ay wadaan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka, kaasi oo ujeedkiisu yahay in gobolka laga saaro Al-shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.