Ciidanka Puntland oo mushaar la’aan ah iyo DENI oo iska maqan

Ciidanka Puntland oo mushaar la’aan ah iyo DENI oo iska maqan

Muqdisho (Raxamnreeb ) Wararka aan ka helayno magaalada Garoowe ee Puntland ayaa sheegaya in ciidanka maamulkaas ay wajahayaan xaalad mushaar  la’aan ah.

Siyaasiinta deegaanada Puntland ayaa sheegay  in tan wax badan ay u dhami karto hanaanka  maamulka  maadama tabashooyinka laga qabo saciid DENI ay is biirsadeen.

Mushaar la’aanta baahsan ee ciidamada ayaa marar kala duwan keentay in ciidanka ay xirtaan waddooyin iyo bara-kantarool oo muhiim ah.

Saraakiil ka tirsan Puntland ayaa sheegay in maamulka hadda   jira looga baahan yahay inuu la yimaado qorshe ka duwan sida  hadda ay wax u socdaan si ay u sahlanaato .

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa muddooyinkii dambe lagu eedeynayay in xukuumadda ay ku mashquushay meel-marinta damaca hoggaanka sare ee maamulkaasi.

Mushaar la’aanta ay wajahayaan ciidanka Puntland ayaa lagu tilmaamay middii ugu waqtiga dheerayd ee maamulkaasi ka dhacda tan iyo markii la aas-aasay sanadkii 1998-dii.

Leave a Reply

Your email address will not be published.