Uganda ma tabar yari ayay ka tahay inay iska difaaci waayaan Al-Shabaab ?

Uganda ma tabar yari ayay ka tahay inay iska difaaci waayaan Al-Shabaab ?

Qoryooley (Raxanreeb ) Kooxda  Al Shabaab ayaa weerar madaafiic loo adeegsaday ku qaaday xero ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS ka degan yihiin degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in xalay fiidkii iyo saqdii dhaxe Al Shabaab madaafiic ku garaaceen xerada ciidamada ATMIS, waxaana madaafiicda kooxdaasi tureysay laga maqlayay xaafadaha Qoryooley.

Sidoo kale waxaa xigay weerarka Al-Shabaab madaafiic kale oo ay dhankooda ku jawaabeen ciidamada ku sugnaa saldhigga ay weerareen xoogaga Al-Shabaab.

Shacabka ayaa waxaa sidoo kale soo wajahay cabsi xoogan, maadaama daryanka hubka culus ee ay si weydaarsanayeen labada dhinac laga maqlayay meelo fog fog.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in maanta ciidamada ATMIS iyo kuwa dowladda ay isku fidiyeen agagaarka magaaladaasi, oo ay ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo iyo howlgal

Lama oga haddii uu jiro khasaare soo gaaray dadka rayidka ah, mana cadda sidoo kale haddii uu khasaare kala gaaray dhinacyada madaafiicda isku waydaarsaday Qoryooley.

Al Shabaab ayaa Jimcihii weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday xero ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa ka socda Uganda ku lahaayeen Buulamareer, waxaana weerarkaasi ka dhashay khasaaro badan oo dhimasho .

Leave a Reply

Your email address will not be published.