Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa kulan la qaatay guddoomiyaha gobolka Mandheera ee dalka Kenya.
Kulanka ayaa labada mas’uul waxa ay diirada ku saareen arrimo la xiriira isku socodka shacabka iyo sugida amniga xuduudaha.
Maxamuud Sayid Aadan ayaa shaaca ka qaaday in Jubbaland ay dagaal adag kula jirto kooxda Al-shabaab, ayna u ogolaan doonin in waxyeeleyaan ganacsiga isga kala gudba deegaanada ku yaalla xuduudaha ay wadagaan Soomaaliya iyo Kenya.
Gaba-gabada kulanka ayaa waxaa labada dhinac ay isku afgarteen muhiimada ay lee dahay dardargelinta iyo kawada shaqeeynta sugida amniga xuduudaha, si looga hortago falalka amni darrada ah ee halis gelin kara noolasha dad rayidka ah.
Sikastaba, kooxda Al-shabaab ayaa marmarka qaar weeraro ka geysta gudaha gobolka Waqooyi barri ee dalka Kenya, waxaana weeraradaasi ay saameeyeen ku yeesheen ganacsatada Soomaaliyeed ee isga kala gudba Mandheera iyo Balad-xaawo.
Leave a Reply