Cirro: Somaliland Waxay Doonaysaa Door Istiraatiiji ah oo La Mid ah Jabuuti

Cirro: Somaliland Waxay Doonaysaa Door Istiraatiiji ah oo La Mid ah Jabuuti

Hargeysa (Raxanreeb Online): Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in Somaliland ay doonayso inay yeelato door istiraatiiji ah oo gobolka ah, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo ilaalinta marin-biyoodka Badda Cas.

Cirro oo la hadlay wargeyska The Economist ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay inay oggolaato in dalal shisheeye ay saldhigyo millatari ka samaystaan dhulkeeda, isagoo arrintaas ku tilmaamay qayb ka mid ah doorka istiraatiijiga ah ee ay Somaliland doonayso inay ka qaadato gobolka.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale sheegay inuu qorsheynayo inuu safar ku tago Mareykanka, halkaas oo uu doonayo inuu kula kulmo Madaxweyne Donald Trump, isagoo rajo ka qaba in Somaliland ay ka hesho taageero iyo aqoonsi dheeraad ah.

Dhanka kale, Cirro ayaa sheegay in wada-hadalladii u dhexeeyay Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ay Türkiye dhex-dhexaadinaysay aysan gaarin natiijadii laga filayay.

Waxa uu sheegay in haddii wada-hadallo cusub la qabto, uu rajeynayo in Tel Aviv loo doorto goobta lagu wada hadlayo.

Hadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan loollanka istiraatiijiga ah ee ka jira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyadoo dalal kala duwan ay daneynayaan dekedaha iyo goobaha istiraatiijiga ah ee ku yaalla Geeska Afrika.

Leave a Reply

Your email address will not be published.