Ciyaaryahan reer Ghana oo ku dhex geeriyooday Garoonka

Ciyaaryahan reer Ghana oo ku dhex geeriyooday Garoonka

Tirana (Raxanreeb) — Weeraryahanka Ghana Raphael Dwamena ayaa geeriyooday isagoo 28 jir ah kaddib markii uu ku dhex dhacay garoonka ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Albania.

Dwamena ayaa u ciyaarayay Egnatia kulankii Partizani sabtidii.

“Inkastoo dhaqaatiirta takhasuska leh ay si degdeg ah u soo farageliyeen dhacdadan, haddana nasiib daro wuu dhintay,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay yiri xiriirka kubada cagta Albania (AFL).

Dwamena ayaa ahaa gooldhaliyaha ugu sareeya horyaalka Albania xilli ciyaareedkan isagoo dhaliyay sagaal gool.

Sagaal kulan ayuu u saftay xulka wadankiisa Gaana, waxa uuna u dhaliyay labo gool.

Ciyaartii sabtida waa la joojiyay, waxaana xiriirku uu dib u dhigay dhammaan ciyaarihii lagu ballansanaa toddobaadkan.

“Xiriirka AFL waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska Dwamena iyo kooxda Egnatia iyo bahda kubada cagta Albania geerida naxdinta leh ee ku timid ciyaartoyga,” ayaa lagu yiri warka xiriirku soo saaray.

Xiriirka Kubadda Cagta Gaana (GFA) ayaa sheegay in ay tacsi tiiraanyo leh u direen qoyskiisa xilligan adag.

2017-kii heshiis £14 milyan ku kacaya oo uu ugu dhaqaaqi lahaa kooxda Brighton ayaa burburray kaddib markii Dwamena uu ku guuldareystay tijaabada caafimaadka.

Waxa uu u soo ciyaaray kooxda Levante ee horyaalka La Liga, wuxuu sidoo kale amaah ugu soo ciyaaray kooxda Real Zaragoza.

Sannadkii 2021-kii ayuu ku dhacay garoonka ciyaar ka dhacday Austria oo dhexmartay kooxdiisa Blau-Weiss Linz iyo Hartberg, laakiin wuu soo kabsaday, oo wuxuu sii watay xirfaddiisa ciyaareed.

Waxaa la sheegay in horey wadnaha qaliin looga sameeyay, isla markaana lagu rakibay qalab ka caawinaya shaqada wadnaha.