Accra (Raxanreeb) — Nin ayaa ka soo hor muuqday maxkamad kaddib markii lagu eedeeyay inuu jaray geed caan ah oo jiray 300 oo sano oo ku yaala koonfurta Gaana.
Sawirro laga soo qaaday geedka la jaray oo ku yaala magaalada Feyiase ayaa caro ka dhex dhaliyay dadka reer Gaana ee isticmaala internet-ka.
Geedkan oo ah mid qadiimi ah ayaa la abuuray xiligii boqortooyadii Ashanti, wuxuna hadda kamid yahay waxyaabaha aadka u soo jiita dadka dalxiisayaasha ah ee taga Gaana.
Ninka ku eedeysan arintan ayaa sheegay in uusan sameyn wax sharciga baal marsan, waxana lagu sii daayay damiin.
Ninkan ayaan magaciisa la shaacin.
Sida la soo weriyay geedkan meesha uu ka baxay waxa loos ku tufay baadarigii la oran jiray Komfo Anokye horraan tii 1700-meeyadii.
Qaar badan oo kamid ah bulshada ayaa rumeysan in miraha geedkan Kola ee madowga iyo caddaanka leh ay daweyn karaan cudurrada iyo habaarka.
Geedkan waxa uu ku yaalaa wadada u dhaxaysa magaalada ganacsiga ee Kumasi iyo harada Bosomtwe oo ah goob loo dalxiis tago.
Waxa la diiday in la jaro markii la dhisayay wadadan, sababo la xiriirra caanimadiisa.
Ma cadda sababta hadda loo jaray.
Agaasimaha xarunta cilmi baarista ee Manhyia Osei Bonsu Safa Kantanka ayaa BBC-da u sheegay in geedkan muhim u yahay taariikhda boqortooyada Ashanti.