Islamabad (Raxanreeb ) –Daadadka xooggan oo ku rogmaday gobolka Ghor ee dalka Afgaanistaan ayaa galaaftay nolosha konton qof, halka kuwa kalena weli waa la la’yahay sida uu sheegay Afhayeen u hadlay booliisku, walina ay socdaan dadaallo lagu baadi goobayo.
Waxa uu tilmaamay in daadadku ay burburiyeen laba kun oo guri, kumanaan kalena ay waxyeelo gaarsiiyeen, marka laga soo tago dhimashada kumanaan xoolo ah, waxa ay baaba’een boqollaal hektar oo dhul beereed ah iyo boqollaal buundooyin iyo kanaalo ah.
Dhanka kale, sarkaalka ka tirsan waaxda maareynta musiibada ee dalkaas, oo lagu magacaabo Obaidullah Mouradian, ayaa sheegay in xaaladda halkaas ay gaartay heerkii ugu xumaa, islamarkaana loo baahanyahay xaalad degdeg ah si dadka loo samata-bixiyo
Waxa uu intaa ku daray in xaaladdu ay tahay mid walaac badan, isla markaana dadka ay saameeyeen fatahaaduhu ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah oo isugu jira hoy, cunto iyo biyo.
Leave a Reply