Daadad xoog badan oo ku dhuftay Gaalkacyo & khasaaraha jira

Daadad xoog badan oo ku dhuftay Gaalkacyo & khasaaraha jira

Gaalkacyo (Raxanreeb ) Roobab mahiiggaan ah oo saacadihii u danbeeyay ka da’ay gobolka Mudug ayaa daadad ku soo rogay magaalada Gaalkacyo.

Daadad xooggan ayaa sida wararku sheegayaan buuxiyay qaar kamid ah xaafadaha Gaalkacyo islamarkaana gudaha u galay gurya badan la degganaa.

Qoysaska qaarkood ayaa ka bara-kacay guryahooda kadib markii biya ka buuxsameen halka qaar kalena weli ku go’doonsan yihiin.

Wararka ayaa sheegaya in ay jiraan dad u badan waayeel iyo danyar aan awoodin in ay guryaha ka baxaan oo gurmad u baahan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.