Dab xooggan oo khasaaro geystay oo maanta ka kacay Suuqa Bakaaraha

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Dab khasaaro maaliyadeed geystay ayaa saakay ka kacay suuqa Bakaaraha gaar ahaan dhinaca Cabdalla Shideeye, waxaana ku gubtay dukaamo lagu iibiyo qalabka Elektarooniga.

Goob jogayaal ayaa sheegay in dabka uu ka biloowday koronto, isla markaana uu ku sii fidiyay goobaha ganacsiga ee kala duwan ee suuqa ku yaallay.

Ciidamada dab-damiska gobolka Banaadir, ayaa gaaray goobta, iyaga oo ku guuleystay daminta dabka, kahor inta uusan ku sii fidin qeybaha kala duwan ee suuqa.

Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa xiray waddooyinka ku dhow goobta dabka kacay, kaddib markii boqolaal qof oo shacab ah ay goobta isugu soo baxeen.

Mid kamid ah ganacsatada hantidooda ku waayay dabka ayaa sheegay in dabku baabi’iyay dhammaan wixii ku tiirsanaa, isaga oo sheegay in goobtiisa ganacsiga ay aheyd ilihii uu ka maareyn jiray noolasha qoyskiisa.

Ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga xadiga hantida ku gubatay dabka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.