Dad isku qoys ahaa oo ku geeriyooday hoobiyaal.

Dad isku qoys ahaa oo ku geeriyooday hoobiyaal.

Camara (Raxanreeb )-Warar kala duwan , ayaa ka soo baxaya  khasaaraha ka dhashay hoobiyaal lagu gaaracay degaanka Camaara ee  gobolka Mudug  oo ka mid ah deegaanadii laga saaray Al- Shabaab.

Hoobiyaasha ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhaceen goobo ay ku sugnayeen dad shacab ah  kuwaas oo soo gaaray dhimasho iyo dhaawac.

Khasaaraha ugu argagaxa badan ayaa qabsaday qoys iyagoo jiifa uu ku habsaday mid ka mid ah madaafiicda, waxaana halkaas ku dhintay aabaha iyo hooyada qoyska, iyadoo uu ku dhaawacmay wiil ay dhaleen.

Hooyo kale ayaa la sheegay iney ku dhimatay madaafiicdaasi taasoo si xun u gubatay ka dib markii uu hoygeeda ugu tagay madfac

Dhawr jeer ayaa sidan  oo kale ayaa hoobiyaal  waxaa lagu   gaaray goobaha ay ku sugan yihiin ciidanka dowladda ee markii hore laga saaray kooxda Al- Shabaab waxaana  barbar socda iska hor imaaadyada ciidanka Dowladda iyo AS.

Maamulka deegaanka Camara ee Mudug ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab in ay soo tuureen madaafiicda ku dhacday Cammaara oo ka mid ah degaanadii dhowaan laga saaray Al shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.