Dad ka badan 10 qof oo cudurka shuban biyoodka ugu geeriyooday Afmadow

Afmadow (Raxanreeb) — Degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose iyo deegaannada hoosyimaada waxaa saameyn ku yeeshay cudurka shuban-biyoodka oo ay u dhinteen illaa 15 qof oo u badan carruur.

Xanuunka ayaa soo ritay dad gaaraya 100 qof waxaana soconaya dedaallo wax looga qabanayo cudurkaasi oo ay wadaan mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland.

Maxamed Amiin Cabdullahi oo ah, guddoomiyaha golaha deegaanka ee degmada Afmadow oo la hadlay laanta Af-ka Soomaaliya ee Voa-da ayaa sheegay in maalmihii ugu danbeeyay ay jireen shuban biyood oo dadka qaarna ay leeyihiin daacuun.

“Maalmahaan 10-kii beri ee ugu danbeeysay waxaa jiray shuban biyood dadka qaarna ay leeyihiin waa daacuun tusaale laga qaaday 5 qof ee ka tirsan bukaanka ayaa lagu soo baaray Kismaayo waxay sheegayaan in daacuun uu yahay annagu weli shuban biyood ayaan ku xisaabineynaa lkn waa isku mid marba hadday dadku u dhimanayaan matagna uu jiro xilligana uu yahay xilli kuleyl ah, waxaan go’aansannay in aan ka joojino goobaha wax barashada”.

“Shubanka ilmihii waa ay isku daaranayaan hadda illaa iyo boqol qof inkabadan ayuu soo ritay magaalada Afmadow waxaa dhimatay 9 halka deegaanka Qooqaane ay dhimatay 6 qof oo xalay 4 ka mid ah ay dhinteen”.

“Waxaan filayaa xannunkani in uu keenayso cimillada waxaa lagu jiraa bisha March biyo yarina waa ay jirtaa magaalada Afmadow waxay ka cabi jirtay ceelal lagta marka ay biyo keento laga cabi jiray dhow sanno lagta biyo ma keenin marka biyo yaraan baa jirta biyo yaraantana waxay keeneeysaa cudurro badan”.

Xuquuqdu waa ay dhowrsantahay