Xamsa oo ka digay “isbaarada” loo dhigto Xujeyda Soomaaliyeed

Xamsa oo ka digay “isbaarada” loo dhigto Xujeyda Soomaaliyeed

Muqdisho (Raxanreeb) — Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sabtida maanta ah kormeer ku tegay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xarunta Wasaaradda ayuu kula kulmay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu Mansuur) iyo Guddiga Maareeynta iyo Maamulka Xajka.

Warbixin kusaabsan hannaanka tartansiinta shirkadaha daneynaya arrimaha Xajka, maareeynta cabashada iyo khilaafaadka, halbeegga adeegyada Xujeyda Soomaaliyeed ayuu dhageeystay Xamsa Barre.

Sida laga soo xigtay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, warbixinta waxaa qeyb ka ahaa “jaan-gooynta qiime aan culeys ku ahayn dadkeenna doonaya in ay soo gutaan waajibka Eebbe sannadkan”.

Xamsa ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ka go’antahay inay hufnaan ku maamusho, islamarkaana korjoogteyso shirkadaha ku guuleysan doona adeegga Xajka.

“Dowladaha dariska ah qofkii in uu ku xajiyo $1,600 annagane aan sii mareyno $5,500 illaa iyo $6,000; waa isbaaro loo dhiganayo cibaadada” ayuu sheegay Xamsa Barre.

Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa in ay ka mid tahay dowladaha dhaqaalaha ugu badan ugu baxa Xajka taasoo loo aaneynayo musuqmaasuq baahsan iyo lacago badan oo dulsaar ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa sannad kasta kaalinta ugu horreeysa ee 1,aad ka gasha musuqmaasuqa iyo wax is-daba marinta ba’an ee ka jirta dalka.