Nin xulufo la ah Xi Jinping oo loo dhaariyey ra’iisal wasaaraha Shiinaha

Nin xulufo la ah Xi Jinping oo loo dhaariyey ra’iisal wasaaraha Shiinaha

Beijing (Raxanreeb) — Ninka uu madaxweyne Xi Jinping u magacaabay ra’iisul wasaaraha xiga ee dalka Shiinaha, ayaa waxaa si rasmi ah u ansixiyey baarlamaanka.

Li Qiang, hoggaamiyihii hore ee xisbiga Shuuciga ee magaalada ugu weyn dalka ee Shanghai, ayaa hadda hogaamin doona dowladda, isagoo bedelaya Li Keqiang, oo shaqada ka fariistay.

63-jirkan, ayaa ku dhawaad ​​in ka badan 2,900 cod ka helay, kuwaasoo ah ergo ka tirsan Golaha Shacabka Qaranka.

Xiriirka dhow ee Xi, ayaa loo arkaa inuu noqon doono mid kaalin weyn ka qaata Li, waxaana loo xilsaari doonaa dib u soo noolaynta dhaqaalaha Shiinaha ee liicliicaya.

Maanta oo Axad ah ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo magacaabista Wasiirada cusub.

Xarunta ay ka dhacaysay munaasabadda looma oggolayn wariyayaal inta lagu guda jiro kulanka baarlamaanka Shiinaha ee caaga ah. Sacab ayaa dhacay markii Xi uu codkiisa dhiibtay.

Li – oo hadda ah sarkaalka labaad ee ugu darajada sarreeya nidaamka siyaasadda Shiinaha – ayaa helay codad dhan 2,936 cod, saddex ergo oo keliya ayaa kahor yimid magacaabistiisa, halka siddeedna ay ka aamuseen.

Markaa Ka dib waxaa la dhaariyay Li, isagoo ku dhaartay inuu daacad u yahay dastuurka Shiinaha, iyo inuu si adag uga shaqeeyo sidii loo dhisi lahaa dal barwaaqo ah, oo leh ciiddan xooggan, dimuqraadi ah, ilbaxnimana leh, iyadoo ku wada noolaanshaha waddanka, iyo ilaalinta hanti wadaagga casrigana ah ay lagama maarmaan tahay.

Li ayaa wuxuu ahaa madaxa shaqaalaha ee Madaxweyne Xi horaantii 2000-meeyadii, markaasoo Xi uu ahaa madaxa xisbiga ee gobolka Zhejiang. Li, ayaa sanadkii 2017-kii laga dhigay xoghayaha xisbiga ee Shanghai.

Intii lagu jiray musiibaddii cudurka Covid19, wuxuu si adag u sameyn jiray kormeer la xiriira xannibaadda oo adag ee magaalada Shanghai, taasoo horseeday in qaar kamid ah dadka deegaanka ay ciriiri ku noqoto helitaanka cunto iyo daryeel caafimaad.

Magacaabistiisa ayaa timid ka dib markii Xi uu ku guuleystay markii saddexaad ee madaxweynenimada Jimcihii.

Madaxweynaha ayaa xoojiyay xukunkiisa, iyadoo Shiinuhu uu dib u bilaabay mar kale siyaasadiisa ahayd baabi’inta Cuduruka Covid19, ee sii hurisay mudaaharaadyada dowladda looga soo horjeedo.

Dalka ayaa waxa kale oo uu wajahayaa heerka u dhac weyn oo ku timid dhalmada, taasoo khatar ku ah kobaca dhaqaalaha Shiinaha.

Waxa loogu yeero Labada Kalfadhi ee Congress-ka Shacabka Qaranka iyo Shirka Wadatashiga Siyaasadda Shacabka Shiinaha (CPPCC) ayaa todobaadkan si weyn isha loogu hayaa maadaama ay muujineyso jihada Shiinaha ee sanadaha soo socda.

Tan iyo Mao Zedong, hoggaamiyeyaasha Shiinaha, ayaa waxay ku koobnaayeen in la doorto laba xilli oo xafiiska ah. Sharcigan ayaa la beddelay sanadkii 2018-kii, iyadoo Xi u saamaxday inuu yeesho muuqaal aan la arkin, tan iyo Guddoomiye Mao, oo ahaa aasaasihii jamhuuriyadda hanti wadaaga ee Shiinaha.

Bbc