Dagaal Beeleed sababay khasaare kala duwan oo ka dhacay degmada Qoryooley

Dagaal Beeleed sababay khasaare kala duwan oo ka dhacay degmada Qoryooley

Muqdisho (Raxanreeb) — Dagaal khasaare kala duwan geystay ayaa ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolka shabeelada Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo u dhaxeeya labo beelood oo ka mid ah beelaha dega degmadaas.

Dagaalka ayaa salka ku haya colaad ka dhex taagan beelaha Garre iyo Jiide oo horay isugu gaystay dilal salka ku haya aanooyin qabaa’il.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu kusii fiday xaafado horleh oo ka tirsan magaaladaasi, waxaana jira khasaare leh dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada mslleeshiyo.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalkan uu daba socdo afar qof oo dhowaan lagu dhex dilay magaalada, wuxuuna sheegay in weli dagaalka uu socdo.

Weli lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, inkasta oo uu maamulka Shabeellaha Hoose ugu baaqay beelaha ku dagaallamay degmada in ay joojiyaan dagaalka, waxaana baaqyo nabadeed ka soo saaray qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dowladda kuwaas oo ka soo jeeda magaalada.

Toboaadkii hore ayey ahayd markii ay deegannada maamulka Galmudug uu ka dhacay dagaal sababay dhimasho in ka badan Konton ruux oo isugu jiray labada dhinac iyo taliye ku xigeenka Saldhiga degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa baaq nabadeed ka soo saartay dagaallada ka socda gobollada qaar, iyada oo sheegtay in lama huraan tahay in la’ ilaaliyo nabadda iyo wada degnaashaha dalka.

Mid ka mid ah, dadka deegaanka ayaa yiri “Dadka is dagaalayo Garre iyo Jiide waayay, darraad ayaa magaalada dagaal ka dhacay afar qof oo Garre ah ayaa lagu dilay weli xabadda way socotaa” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dagaalkan uu saameyn ku yeeshay degmada Qoryooley, waxaana hakad galay goobaha ganacsiga iyo guud ahaan dhaq-dhaqaaqa degmada.,

“Xaaladda magaalada waa qasan tahay ganacsiga waa la xiray, mana jiro wax ciidan ah oo kala dhex-galay labada dhinac” ayuu sii raaciyay ugu dsnbeeyntii.