Dagaal culus oo ka dhacay Jicibow

Muqdisho (Raxanreeb) — Wakaaladda wararka ee dowladda Sonna ayaa daabacday qoraal Ku saabsan in Al-Shabaab iyo ciidamada Dowladda iyo dadka deegaanka uu dagaal qaraar ku dhexmaray deegaanka Jicib kaasoo qaatay inkabadan 12 saacadood.

”Ku dhowaad 200 oo ka tirsan malleyshiyada al shabaab oo saakay si dhumaleeysi ah u soo galay Tuulada Jicibow oo qiyaastii magalada bulaburde u jirto 25 km ayaa Ciiidanka xoogga weerar qorsheeysan ku qaadeen.

Kooxdan ayaa damacoodu wuxuu ahaa iney kala goyaan labada Magaalo ee Baladweyne iyo Bulabarde oo dhawaan laga xoreeyay.

Maamulka Degaanka Ayaa Ka War Helay in Ciidamo Farabadan Oo Dooma Wata Iney Cagta Soo Dhigeen Deegaankaasi waxaana
Durbaba halhaa u Ruqaansaday Ciidamada Macaawisleyda ee deegaankaasi waxaa sidaasi Ku Bilawday Dagaalka.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa sidoo kale gaarayvhalkaas kuwaasi oo kooxda ku hareereeyay deegaanka jicibow oo hoos taga Degmada Buuloburde ee Gobolka Hiiraan.

Xabadii Saakay Bilaabatay ayaa maqribkii caawa la soo afjaray waxaana halkaa guulo ka gaaray ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Dadka Degaanka Magalada Bulabarde Ayaa bilaabay Iney Ciidamada Caanaha Iyo Biyaha Ka Daba Qadaan Si Ay U Dhiira Giliyaan Ciidamada Dowlada Iyo kuwa Macaawisleyda.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.