Ciidankii ugu badnaa oo maanta ka baxay Muqdisho & Faahfaahinta.

Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka baxay maanta oo Axad ah magaalada Muqdisho kuwaas oo ku sii jeeda goobaha ay ka socdaan dagaalka ka ah Al- Shabaab ee ka socda Shabeellaha Dhexe.

Waxaa lagu tilmaamay ciidankan in ay ahaayeen kuwii ugu badnaa ee ka baxa magaalada Muqdisho si ay u xoojiyaan howlgalada ka dhanka ah Al- Shabaab ee gobolada qaar ee dalka.

Maanta ayaa ciidankan magaalada Muqdisho waxaa loogu sameeyay sagootin , waxaana ka qayb galay xubno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo dhiira galiyay ciidanka.

Waxa ay gacan xoogan siin doonaan kooxaha macwiislayda oo bilow ah dagaalka Al- Shabaab kaga furan gobolada Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan .
Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata in ay xoojinayso dagaalka ka dhanka ah Al- Shabaab waxaana dhawaan Madaxwaynaha Soomaaliya uu ku dhawaaqay dagaalka Al- Shabaab in la xoojin doono.

Beesha uu ka soo jeedo Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa in dhawaalaba waxaa lagu dhaliilayay in ay ka gaabsanayso ka qayb galka dagaalka ka dhan ah Al- Shabaab ee ka socda meelo ka mid ah dalka.

Kulankii golaha wasiirada ee dhawaann ayaa sidoo kale lagu faray saraakiisha ciidanka xoogga dalka in ay laba- jibaaraan dagaalka Dowladda ay ku doonayso in ay ku jabiso kooxda Al- Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.