Dagaal Culus oo ka socda duleedka Garbahaarrey

Muqdisho (Raxanreeb) — Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyo ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xoogagga Ururka Al-Shabaab uu ka qarxay inta u dhexeyso degmooyinka Garbahaarrey iyo Beledxaawo oo katirsan gobolkaasi.

Dagaalka oo ah mid culus ayaa hadda ka socdo deegaanka lagu magacaabo Caracase, halkaas oo ay ku sugan yihiin xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada Xoogga dalka  Soomaaliyeed ayaa weerar ku qaaday deegaankaasi, waxaana kaddib ka billowday dagaal fool ka fool ah oo u dhexeeyo labada dhinac.

Ma cadda inta uu la egyahay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan oo weli ka socdo halkaasi, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in xaaladdu ay tahay mid kacsan, mana jirto wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha ciidamada Dowladda iyo dhanka kooxda Al-Shabaab.

Howlgalkan ayaa qayb ka noqonayo dhaq-dhaqaaqyada ay haatan waddo dowladda dhexe ee Soomaaliya oo Al-Shabaab looga saarayo deegaannada ay kaga sugan yihiin dalka.

Xiisadda dagaal ee labada dhinac ayaa sii xoogeysatay markii ay dagaalka ku biireen dadka deegaanka, gaar ahaan malleeshiyaadka Macawiisleyda oo garab siinaya ciidanka dowladda.

Si kastaba, tan iyo markii ay billowdeen howlgalladan oo uu xooggeedu ka socdo Hiiraan iyo Galgaduud ayaa waxaa ciidamada dowladda ay kula wareegeen deegaanno horleh.

Al-Shabaab ayaa laga qabsaday deegaanno badan oo katirsan Hiiraan ayadoona looga dilay inkabadan 200 oo katirsan Ururka Al-Shabaab oo haatan u muuqda inuu ku jabay dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.