Dagaal ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Dagaal ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Balcad ( Raxanreeb Online) Wararka anu ka heleyno degmada Balcad eegobolka  Shabeellaha Dhexe ayaa ku waramaya  in halkaas saaka dagaal uu ku dhaxmaray Ciidanka dowladda iyo Al- Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Al- Shabaab waddooyin dhawr ah oo magaalada ah ka soo galeen ka dib markii ay ka war heleen ciidanka dowladda weerar ay ku qaadeen.

Goob jogayaal ayaa sheegay inuu jiro khasaaro labada dhinac soo kala gaaray, balse aysan ogeyn halka uu gaarsiisan yahay.

Sidoo kale dadka shacabka ah ayaa bilaabay inay ka barakacaan degmada kaddib markii ay shegeen in ay ka cabsanayaan in weerarada ay shabaab ku soo qaadayaan in ay waxyeelo kasoo gaarto.

Xaaladda hadda waxaa lagu soo waramayaa in ay degan tahay  isla markaana ciidanka dowladda ay iska caabiyeen kooxdii weerarka ku soo qaaday degmada Balcad.

Sikastaba, dhowaan ayay ahayd markii sidan oo kale kooxda Al- Shabaab gudaha ay u soo galeen degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa sidoo kale maalmo ka hor kooxda lagu arkay deegaanada Ceelasha biyaha iyo Lafoole oo ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Leave a Reply

Your email address will not be published.