Dagaal khasaare gaystay oo maanta ka dhacay GAROOWE.

Dagaal khasaare gaystay oo maanta ka dhacay GAROOWE.

Garoowe (Raxanreeb )- Wararka Raxanreeb ay ka helayso magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya  in maanta oo sabti ah halkaas uu ka dhacay iska hor imaad khasaare gaystay.

Iska hor imaadkan ayaa lagu soo waramayaa inuu dhaxmaray labo ciidan oo ka wada tirsan Puntland kuwaas oo kala ah ciidanka Booliiska iyo ciidan ku lebbisan tuutaha Ciidanka PSF .

Inta la xaqiijiyey laba askari ayaa ku dhimtay ilaa afar kale oo uu ku jiro Taliyihii Garoonka Diyaaradaha Garoowe waa ku dhaawacmeen; ka dib israsaaseyn kaantaroolka bari ee caasimadda Garoowe

Warar  kala duwan  ayaa ka soo baxaya sababta keentay iska hor imaadkan maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta Puntaland .

Ilo ka tirsanlaamaha ammaanka ayaa sheegaya in ay doonayeen in ay ciidanka Bari ka yimi ka reebaan baabuur ay xukuumaddu leedahay oo ay wateen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.