Dagaal khasaaro gaystay oo ka qarxay Tripoli Libya.

Dagaal khasaaro gaystay oo ka qarxay Tripoli  Libya.

Tripoli (Raxanreeb ) Magaalada Tripoli ee dalka Liibiya waxaa ka qarxay dagaal xoogan oo socday mudo saacada ah , kaas oo gaystay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah .

Inta la xaqiijiyay labaatan iyo saddex qof ayaa ku geeriyootay halka tiro kalena ay ku dhaawacantay sida ay xaqiijiyeen goobaha caafimaad – magaaalada Tripoli ee Dalka Libiya.

Dagaalka oo ka bilaabmay xaafadaha magaalada caasimadda ah ee Tripoli, ayaa la sheegay in foodda isku saareen dhinacyada isku haya siyaasadda dalka Liibiya oo muddo dheer ahayd meel rabashado ay ka socdaan.

Xaaladda ayaa deganeyd tan ilaa xalay iyo saaka, balse waxaa jirtay cabsi ah in xilli kasta uu dagaalka dib u qarxi karo oo ugu danbeyn maanta oo Axad ah dib u qarxay.

Dagaalka ayaa yimid kadib bilo ay xiisad ka dhex taagneyd taageerayaasha Cabdulxamiid Dabiibah iyo Fatxi Baashaga, kuwaas oo maamulladooda iska soo horjeeda ay ku loolamayaan xukunka.

Qaramada midoobay ayaa ugu baaqday in dhinacyada is-haya ay yimaadaan miiska wadahadalka, wax walbana lagu dhameeyo fadhi.

Libya ayaa gashay qalalaase kadib markii 2011 la afgambiyey lana dilay kaligii taliyihii hore ee dalkaas Mucamar Qadafi intii uu socday kacdoon dadweyne oo ay taageerayeen Reer Galbeedka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.