Dagaallo weli ka socda gobolka Axmaarada

Dagaallo weli ka socda gobolka Axmaarada

Gonder (Raxanreeb) — Gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya waxaa weli ka socda dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad deegaanka ah, iyadoo magaalada taariikhiga ah ee Gonder ay ka socdaan dagaallo culus.

Maleeshiyaad deegaanka ah oo loo yaqaan Faano ayaa Axaddii gudaha u soo galay magaalada, taasoo keentay iska horimaad xooggan oo ay la galeen ciidanka.

Ciidamada dowladda ayaa sheegay in ay iska caabiyeen maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday, ayna dileen in ka badan konton dagaalyahan.

Golaha xuquuqul insaanka ee Itoobiya ayaa ku eedeeyay maamulka inay sii wadaan xarigga aan sharciga ahayn ee ka socda caasimadda Addis Ababa. Iska horimaadka ayaa billowday bishii April ka dib markii maleeshiyaadku ay diideen in hubka laga dhigo, sida ay amartay dowladda.