FAAHFAAHIN : Dagaal  khasaare gaystay oo ka dhacay duleedka Baydhabo

FAAHFAAHIN : Dagaal  khasaare gaystay oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Baydhabo (Raxanreeb ) Dagaalkan ayaa yimid ka dib markii kooxda Al- Shabaab weerar ay ku qaadeen fariisimo ciidanka maamulka koonfur Galbeed ay ku lahaayeen duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bakool.

Xubnaha Shabaabka ah ayaa weerarka ku eekeeyay saldhigyada ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ku leeyihiin deegaanada Wargaduud iyo Xanaano oo ah deegaano dhaca Waqooyiga magaalada Baydhabo.

Saraakiisha maamulka koonfur Galbeed ayaa sheegay  in guulo badan ay ka gaareen dagaalka ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Si rasmi ah weli looma xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, hase ahaate waxay saraakiisha ciidanka sheegeen in weerarka kooxda ay iska difaaceen.

Isku soo wada duubo, dagaalkan ayaa imanaya xilli Koonfur Galbeed ay kamid tahay meelaha weli ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab

Leave a Reply

Your email address will not be published.