Damaca Villa Soomaaliya oo laga soo horjeestay & Xildhibaan ku shiray Muqdisho.

Damaca Villa Soomaaliya oo laga soo horjeestay & Xildhibaan ku shiray Muqdisho.

Muqdisho (Raxabreeb ) Kudlad Xildhibaano ah oo ka soo horjeeda damaca Villa Somalia ee wax-ka bedelka dastuurka, gaar ahaan habraaca loo marayo ayaa kulan ku leh Muqdisho.

Xubnahan waxa ay sheegeen in Dowladda qaadi doonto cawaaqib-xumada ka dhalata ficillada shacabka kala qeybinaya ee ay hormuudka ka tahay.

Waxa ay sheegeen in aan la joogin waqtigii la qaadi lahaa talaabo kasta oo wax u dhimaya wadajirka waqtigan ay u arkaan arintaas mid keeni karta khilaaf.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayay uga digeen inuu qaado wax kasta oo dalka u keeni kara dib dhac maadama isaga uu riixaya qorshaha wax ka bedelka Dastuurka.

Hadalkan ayay xildhibaanadu ka sheegeen kulan galabta ay ku yeesheen magaalada Muqdisho oo ay ku diideen qorshaha Xasan Sheekh Maxamuud.

Beri ayaa lagu wadaa in Golaha shacabka fadhi ay ku yeeshaan magaalada Muqdisho si ay dood adag ugu yeesheen arrimaha Dastuurka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.