DEG-DEG : Dab ka kacay xaafado ka mid ah degmada Kaxda ee Muqdisho + khasaaraha

DEG-DEG : Dab ka kacay xaafado ka mid ah degmada Kaxda ee Muqdisho + khasaaraha

Muqdisho (Raxanreeb ) Dab xooggan oo geystay khasaaro hanti ayaa caawa waxa uu ka kacay Degmada Kaxda ee Gobolka Benaadir.

Dabka oo ka kacay Waaxada 2-aad ee Degmadda Kaxda ayaa sababay in ilaa 5  guri ay gubtaan.

Dad ku sugan degmada Kaxda ayaa RBC u sheegay in ay socdaan dadaalo lagu daminayo dabkaas caawa ka kacay degmada.

Tiro dad ah oo ku jiray guryaha ayaa lagu guulaystay in la badbaadiyo halka dad kalena dhaawacyo ay ka soo gaareen.

Holaca ka kacaya degmada Kaxda gaar ahaan waaxda labaad ayaa laga arkayaa degmooyinka ologa la ah degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Sidan oo kale marar badan ayaa degmooyinka qaar ee caasimada uu dab qabsaday waxa ayna gaysteen khasaar badan oo isugu jira dhimasho , dhaawac iyo baa’ ba hanti.

Leave a Reply

Your email address will not be published.