Nugaal (Raxanreeb Online): Wararka laga helayo deegaanka Jiifle ee degmada Godobjiiraan, gobolka Nugaal, ayaa sheegaya in duqayn lala beegsaday doon ay saarnaayeen dad dhowr ah, iyadoo dadka deegaanka ay xaqiijiyeen in ugu yaraan 7 qof ay ku dhinteen.
Ilaa hadda lama oga dalka ama dhinaca fuliyay duqaynta, hase yeeshee waxaa la sheegay in aagga xeebta maalmo ka hor la keenay markabka MV Lutuf, oo ku safraya calanka Kamaruun, isla markaana lagu soo warramay inuu u rarnaa Türkiye.
Türkiye weli si rasmi ah uma sheegan mas’uuliyadda duqayntan, mana jiro war rasmi ah oo caddeynaya cidda fulisay.
Dhacdadan ayaa noqonaysa duqayntii saddexaad ee muddo toddobaad gudihiis ah ka dhacda xeebaha gobolka Nugaal, iyadoo weerarradii hore ay sababeen khasaare soo gaaray dad iyo hanti rayid ah. Dowladda Puntland ayaa horey u cambaareysay duqaymaha, waxayna dalbatay in la caddeeyo cidda fulinaysa iyo ujeeddada laga leeyahay.
Dhinaca kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inay xog ogaal u tahay duqaymaha ka dhaca dalka, balse weli faahfaahin rasmi ah kama aysan bixin duqaymahan ugu dambeeyay.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli xeebaha Puntland laga soo sheegayo dhaqdhaqaaqyo la xiriira burcad-badeednimo iyo maraakiib la afduubtay, taasoo sare u qaadday walaaca laga qabo amniga dadka rayidka ah iyo kalluumeysatada ku nool xeebaha Nugaal.

Leave a Reply