DEG-DEG : Madaxwayne  DENI oo markale hoggaamin doono Puntland.

DEG-DEG : Madaxwayne  DENI oo markale hoggaamin doono Puntland.

Garoowe (Raxanreeb ) Magaalada Garoowe ee Puntland waxa ku soo dhamaaday doorashada madaxtinimada maamulkaas oo saaka hore  bilaabatay .

Doorashadan waxa ay martay seddax wareeg oo lagu soo kala adkaaday  isla markaana ay hareen musharaxiin dhawr ah.

Doorashada wareega  ugu danbeeyay waxa ku tartamay Saciid Cabdulaahi Deni iyo Guuleed Saalax kuwaas oo kala helay 45 cod saciid Deni halka Saalax uu helay  ku  in ka badan 21 cod.

Guuled Saalax oo hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsanahay in doorasho hufan ay ka dhacdo Puntland  isla markaana uu la shaqayn doono madaxwaynaha la doortay.

Waxa uu ku baaqay Guuled Saalax in la muujiyo  deganaan isla markaana laga shaqeeyo midnimada dadka Puntland.

Madaxwaynaha dib loo doortay Saciid DENI ayaa isagana sheegay inuu ku faraxsan yahay in dib loo doorto waxaana uu sheegay in dhamaan  la wada guulaystay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.