DEG : DEG | Maxkamadda Sare oo dil toogasho ku xukuntay Sayid Cali oo xaaskiisa gubay.

DEG : DEG | Maxkamadda Sare oo dil toogasho ku xukuntay Sayid Cali oo xaaskiisa gubay.

Muqdisho (Raxanreeb )- Maxkamadda Sare ee dalka ayaa si la mid ah maxkamadda Gobolka Banaadir iyo midda Racfaanka dil toogasho ah ku xukuntay Sayid Cali Macallin Daauud oo lagu helay inuu dilay Xaaskiisii Luul Cabdi Casiis.

Maxkamada Sare oo xukun dil toogasho ah ku riday Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku eedeysan inuu gubay Xaaskiisa.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Axmed Yuusuf ayaa sheegay in Sayid-Cali lagu helay dambiga lagu eedeeyay, isla markaana uu si kas ah u dilay marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in maxkamaddu ay go’aankii dilka toogashada ahaa ku raacday maxkamadda racfaanka iyo tii darajada koowaad.

Kiiska Sayid Cali ayaa soo maray heerar kala duwan, waxaana doodo adag dhexmartay qareennadiisa iyo xafiiska Xeer Ilaalinta, labada dhinac waxa ay madasha la tageen caddeymaha ay ku xoojinayaan kiiskaan sida marqaatiyaal iyo Howlwadeenno Caafimaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.