Deg Deg: Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa sheegay inay ka qeeyb geli karaan Dowladda Soomaaliya aaska Hadraawi

Deg Deg: Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa sheegay inay ka qeeyb geli karaan Dowladda Soomaaliya aaska Hadraawi

Hargeysa (Raxanreeb) — Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in aaska marxuum Hadraawi ay ka qeybgeli karaan madaxda dowladda federaalka Soomaaliya. Abwaanka oo maanta ku geeriyoodey magaalada Hargeysa ayaa qoyskiisu shaaciyeen in la duugayo berri oo Jimce ah.

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Naasir Yuusuf Daahir, oo ah, Agaasimaha Waaxda Warfaafinta ee Madaxtooyada Somaliland.

Abwaan Hadraawi, ayaa muddooyinkii danbe xannuunsanaa, asagoona laf-dhabar u ahaa suugaanta Soomaalida, wuxuuna sameeyay heeso badan oo caan baxay, waxyaabaha lagu xusuusto waxa ka mid ah socdaalkii nabadda ee ku maray inta badan gobollada Soomaaliya, burburkii dowladda kaddib, Wuxuu ka qeyb qaatay silsilado maanso, si aad ahna wuxuu uga soo horjeestay dowladdii kacaanka ahayd ee Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.