DEG-DEG: Xildhibaannada Mucaaradka iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Heshiis Gaaray

DEG-DEG: Xildhibaannada Mucaaradka iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Heshiis Gaaray

Muqdisho (Raxanreeb Online): Xildhibaanno ka tirsan mucaaradka, oo u badan kuwa kasoo jeeda Puntland iyo Jubbaland, iyo Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ayaa la sheegay inay heshiis ka gaareen sidii loo xoojin lahaa midnimada iyo wada-shaqeynta Golaha Shacabka.

Sida wararku sheegayaan, dhinacyadu waxay isku raaceen in xildhibaannadu si dhammaystiran uga wada qaybqaataan fadhiyada Golaha, isla markaana Golaha Shacabku noqdo gole mideysan oo dhexdhexaad ah.

Heshiiskan ayaa kusoo beegmaya xilli xildhibaannadan mucaaradka ah ay horey u sheegeen inaysan aqoonsanayn muddo-xileedka dheeriga ah iyo doorashadii Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka.

Haddii heshiiskan uu hirgalo, wuxuu noqon karaa tallaabo lagu yareynayo khilaafka siyaasadeed ee gudaha Baarlamaanka, iyadoo labada dhinac ay isku dayayaan inay Golaha ku soo celiyaan wada-shaqeyn iyo isku-duubni.

Leave a Reply

Your email address will not be published.