Degmada Aadan- Yabaal oo Dowladda si buuxda ula wareegtay.

Jowhar ( Raxanreeb ) Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kooxaha Macwiislayda lagu soo waramayaa in si buuxda ay ula wareegeen degmada Aadan Yabaal, kadib maalmo ay ku sugnaayeen banaanka magaalada.

Waxaa lagu soo waramayaa in ciidanka Dowladda iyo kooxaha kacdoonka wax dagaal ah halkaas kula galin kooxda Al- Shabaab.

Sarkaal ka tirsan Maamulka Hirshabeelle ayaa xaqiijiyey in Ciidamada ay si nabbadgelyo ah kula wareegeen degmadaas, kadib markii Al-Shabaab ay maalmo ka hor isaga baxeen.

Al Shabaab ayaa muddo 10 sano ka badan waxay maamulayeen degmada Aadan yabaal waxaana in gacantooda ay ka baxday halkaasi ka dhignaan doontaa inay waayeen mid ka mid saldhigyadii ugu weynaa.

Sida Muuqata Shabellaha al shabaab ma sii joogi karaan hadii laga qabsaday Masaajid cali guduud iyo Aadan Yabaal oo ay xarumo waa weyn ku lahaayeen,.

Dhawaan ayay ahayd  ka dib markii kooxda Al – Shabaab u magacaabay gudoomiyaha Sh/dhexe ee Al Shabaab inuu noqdo Yuusuf Sheekh Ciise Kaba kutulkade.

Leave a Reply

Your email address will not be published.