DENI & Karaash oo heshiis horudhac ah ka gaaray khilaafkii u dhaxeeyay.

DENI & Karaash oo heshiis horudhac ah ka gaaray khilaafkii u dhaxeeyay.

Garoowe Raxanreeb )  Shir ay yeesheen Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, ayaa looga hadlay Doorashada Puntland.

Madaxda ayaa ku heshiiyey qodobada soo socda :

1. In Guddiga Madaxweynuhu magacaabay ee ansixinta iyo xallinta khilaafaadka ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland sidiisa loo daayo.

2. In Baarlamaanka imanaaya ee 6-aad uu ku yimaado habraaci uu ku yimi Baarlamaankii 5-aad, oo muddo xileedkiisa ku eg yahay 31 December 2023.

Madaxwaynaha iyo ku xigeenkiis Saciid Deni iyo Axmed Karaash ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa u dhaxeeyay khilaafka ka dhashay arrimaha doorashooyinka.

Go’ aankan ayaa la sadaalinayaa in wax badan ka bedelo hanaanka geedi socodka doorashooyinka Puntland oo isha lagu wada hayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.