‘’DENI  keligiisa ha galo doorashada Puntland’’ – Shir ka dhacay Garoowe.

‘’DENI  keligiisa ha galo doorashada Puntland’’ – Shir ka dhacay Garoowe.

Garoowe (Raxanreeb ) Shirar kala duwan ayaa ka soconaya magaalada Garoowe kuwaas oo intooda badan maanta looga hadlaya xaaladda siyaasada ee cakiran  taas oo sababi karta gacan ka hadal.

Magaalada  Garoowe waxaa ku soo dhamaaday shir saacado badan u socday siyaasiinta ololaha ugu jira madaxtinimada maamul goboleedka Puntland oo ay  hareeysay khilaafaadyo dhawr ah .

Musharaxiintan waxa ay ku baaqeen in loo baahan yahay in si deg deg ah wax looga qabto  xukun maroorsiga uu hadda wado sida ay hadalka u dhigeen madaxwayne Saciid DENI oo ah musharax madaxwayne.

Waxa ay Sheegeen In Saciid Deni Madaxweynaha hada Haayo Talada uu Kaligiis gali Doono Doorashada Hadii aan wax Laga badalin.

Warka kasoo baxay musharaxiinta ayay ugu digeen madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Puntlans Siciid Deni in uusan Puntland u horseedin bur bur iyo khalaaase siyaasadeed.

Waxay sheegeen  in musharaxiintan in wax kasta oo  dhaca masuuliyada uu qaadi doono musharax madaxwayne Saciid Cabdullaahi DENI oo ay ku eedeeyeen inuu doonayo inuu boobo doorashada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.