DENI oo ku dhawaaqay in doorashadu ay dhacayso 08 – Janaaayo- Doorasho 66 Xildhibaan

DENI oo ku dhawaaqay in doorashadu ay dhacayso 08 – Janaaayo- Doorasho 66 Xildhibaan

Garoowe (Raxanreeb ) Madaxweynaha Puntland ayaa hada ku dhawaaqay in Doorasho Puntland ka dhacayso 8 Janaayo. oo ah Waqtigeedi lagu muransanaa.
Madaxwayne Siciid Deni ayaa ku dhawaaqay in Puntland aaday doorsho 66-Xildhibaan, Odayaashuna soo xulaan Xildhibaanada.

Waxa uu sheegay Deni inuusan ku faraxsanayn go’ aankan hase ahaatee uu u qaatay sida uu yiri isaga oo u turaya shacabka deegaanada maamulka Puntland , isaga oo xusay inuu yahay go’ aan qaraar.

” Go’ aankan ma aha mid u hiilinaya shacabka Puntland haddii ay waayeen in codkooda ay ku soo doortaan qofka ay doonayaan ha keensadaa  qofka ay doonayaan ” ayuu yiri Saciid Deni.

Hadalka Madaxweynaha ayaa ka horyimi warkii maanta ay soo saareen Isimada SSC, khaatumo oo ahaa in Xildhibaanada hada jooga soo doortaan Madaxweynaha iyo ku xigeenka iyagana Waqti loogu daro.

Leave a Reply

Your email address will not be published.