Mudug (Raxanreeb Online): Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shalay si rasmi ah xarigga uga jaray wejiga koowaad ee waddada laamiga ah ee isku xirta Bacaadweyn iyo Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Qaybta la dhameystiray ee waddada ayaa dhererkeedu yahay 20 KM, iyadoo ay marto deegaannada Heemo, Cagaaran, Horogle iyo Laanta-dusmada. Mashruucan ayaa lagu sheegay in lagu hirgeliyay cashuurtii shacabka oo dib loogu celiyay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.
Shirkadda Kebarco Construction Co ayaa dhistay 13 KM oo kamid ah waddada, halka shirkadda Albaashi ay dhistay 7-da KM ee kale.
Madaxweynaha oo ay weheliyeen masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Puntland, maamulka gobolka Mudug iyo degmada Gaalkacyo, ayaa warbixin ka dhageystay Wasaaradda Hawlaha Guud, Hay’adda Waddooyinka Puntland, injineerrada iyo hawl-wadeennada shirkadaha dhisay waddada.
Deni ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta iyo shirkadaha in la dardargeliyo shaqada, lana dhammeystiro wejiga labaad ee mashruuca, kaas oo isna dhererkiisu yahay 20 KM.

Leave a Reply